Share the post "Saraakiil Ka Tirsan Maxkamada Ciidamada Puntland Oo Xabsiga la dhigay"
Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xilkooda ku waayeen, loona xiray inay gacan ka geysteen Siideynta xubno ku eedeeysan inay ka tirsanaayeen Kooxda Shabaabka….
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in Saraakiishaan oo ka howlgalayay Maxkamada Ciidamada ee magaalada Gaalkacyo ay hadda ku socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta ay kusii daayeen dad Shababnimo ku eedeeysnaa.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo xiriiro hoose iyo ka amar qaadasho le leh kooxda Shabaab, isla markaana uu Hey’adaha Amaanka iyo maamulka si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa Idayaashaas.
“Waxaa jiray shakhsiyaad taleefanadooda la dhegaystay oo amarrada kasoo qaata meelo kale. Dadka noocaas ah ciddii koofiyada saaratay, haddii ay ogaan la haayeen shaqooyinka ay qabtaan xaaladdu si kale ayay noqon lahayd,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.