Kenya Airways Oo Duulimaadyadii Mogadishu-Nairobi Bilaabeysa 2-Bil Kadib..

Somalia news

Shirkada Diyaaradaha ee Kenya Airways (KQ) ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay Muqdisho-Nairobi, laga billaabo 14-ka Febraayo, 2024, Dib-u-soo celintan ayaa soo afjaraysa saddex sano oo hakad ah oo uu sababay cudurka COVID-19..

Waxaana loo arkaa mid wax weyn ka tari doonta isu socodka Dadka, waxeyna duulimaadyo sameyn doontaa saddex jeer toddobaadkii – Isniin, Arbaco, iyo Sabti – iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Kenya iyo Somali,. Talaabadan ayaa daba socota heshiiskii labada dhinac ee dhanka hawada ee dhawaanta, taasoo astaan u ah hoos u dhaca xiriirka diblomaasiyadeed iyo danaha dhaqaale ee labada dhinac.

Duulimaadyada KQ362 waxay Nairobi ka ambabixi doontaa 14:00 waxayna imaan doontaa Muqdisho 15:45. Duulimaadka soo laabashada ah ee KQ363, ayaa ka bixi doonta Muqdisho 16:35, waxayna imaan doontaa Nairobi 18:20. Qiimaha duullimaadyadu waxay ka bilowdaan USD 1050 (Sh160,751), Ticket kan ayaa noqonaya kii ugu qaalisanaa taarikhda ee loogu safro Mogadishu -Nairobi.

Qoraal 2-aad oo cusub oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka (X) ay ku sheegtay in qiimaha duulimaadka uu ka billaabanayo $420, Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga gol leeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay shirkadda gacan uga geysato horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

290200cookie-checkKenya Airways Oo Duulimaadyadii Mogadishu-Nairobi Bilaabeysa 2-Bil Kadib..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com