Maxaa ka Dhab ah Diyaarad Helicopter Ah ay Ku Burburtay Duleedka Magaalada Marka..

Somalia news

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaaya Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ayaa la sheegaya in shalay Galab ay ku dhacday duleedka magaalada Marka, Dadka Degaanka ayaa sheegay iney meesha ay Diyaaradu ku kacday uu Dab ka kacaay, inkastoo aysan si raami ah u sheegi karin Dhimashada iyo Dhaawaca…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Diyaarada ay ku sii jeeday magaalada Mogadishu, isla markaasna aysan xiriir la laheyn Diyaaradaha UN-ka, kuwa ATMIS iyo Hey’adaha kale, War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Faderaalka ayaa lagu sheegay inuusan jirin shil dayuuradeed oo ka dhacay gudaha dalka.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA WASAARADDA..

Muqdisho, November, 29, 2023- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Faderalka Somalia  waxay xaqiijinaysa inuusan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Somalia.

Dhammaan diyaaradaha ka shaqeeya garoommada dalka iyo kuwa adeegsanayay hawada Somalia ayaa si nabad ah ku gaaray halkii ay ku socdeen, iyadoo aan la soo sheegin wax shil ah 24-kii saac ee la soo dhaafay. War kasta oo warbaahinta gudaha ay ku sheegto inuu shil diyaaradeed dhacay, waxaa loo qaadan doona mid aan xaqiiqo ahayn.

290140cookie-checkMaxaa ka Dhab ah Diyaarad Helicopter Ah ay Ku Burburtay Duleedka Magaalada Marka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com