Sare u Kaca Qiimaha Hubka & Hubanti La’aanta Heshiis Doorasho

Somalia news

Somalia Waxaa joogto ka noqotay in xiliga kala guurka uu soo shaac baxo muran la xiriira hubanti La’aanta Doorashada iyo Khilaafaadka hareeya, waxaana la sheegay in Suuqyada madow ee Hubka iyo rasaasta lagu iibsado ay noqdaan Saxmad iyo dalabyo iska soo daba dhaca kuwaasoo sicir barar ku rida Qiimaha Hubka….

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa aad u mashquulay suuqyada Hubka lagu kala iibsado ee Gaalkacyo, Mogadishu iyo Kismaayo, iyadoo dalabyada ugu badan ay noqdeen Hubka boobayaasha sida (Dhashiikaha, PKM, Qoriga 7-ka iyo Qoriga P-10, Dalaaliinta Suuqyada ayaa sheegay in Xiliyadaan kala guurka ah ay suuqyada caadi ka noqdaan Dalabyada Hubka iyo rasaasta, waxaana la sheegay in hubka intiisa badan laga keeno Dalka Yemen halka tiro aan badnryd hubkaasi ah laga iibiyo Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda.

Macluumaad uruurin la Sameeyay ayaa muujinaaya in 3-dii bilood ee u dambeysa uu sare kac xoogan uu ku yimid kala iibsiga hubka l, iyadoo qiimaha lagu iibsanaayo uu laba jibaarmay, waxaana xiligaan lagu kala iibsadaa qiimaha hoos ku xusan:-

-Qoriga Dhashiikaha Mogadishu 21-kun US$ halkii markii hore uu ka ahaa 15-kun US$, Gaalkacyo 13-Kun ayuu ka joogaa.

-Qoriga P-10 30 kun US$ Waa hadii la helo

Qoriga PKM 18-Kun US$ markii hore 15-Kun.

Qoriga 7-ka ama Tuga 10-Kun US$ iyo

Qoriga AK47 2000 US$ halkii markii hore uu ka ahaa 1500 US$

Bastooladaha Nooca Belgium-ka 4000 US$ Nooca Teetee Russia 2200 US$.

108570cookie-checkSare u Kaca Qiimaha Hubka & Hubanti La’aanta Heshiis Doorasho