Madaxtooyada Iyo NISA Oo Lagu Eedeeyay Fara-Gelinta Doorashada Hir-Shabelle

Somalia news

Cabasho iyo Caburin ayaa Qaar kamid ah xubnaha Gudiyada Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle laga soo sheegaya, ineysan heysan madaxbanaani ay ku gutaan shaqooyinka horyaala, islamarkaana loo gacan geliyay liis xildhibaano oo diyaarsan kuwaasoo Madaxtooyada iyo NISA ay soo qorsheeyeen….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in inta ugu badan ay diyaarsan yihiin Xildhibaanada cusub ee HirShabeelle, waxaana lagu soo diyaariyay magaalada Muqdisho iyadoo aysan ka war-qabin Odayaasha Beelaha iyo xubnaha Guddiga Farsamada.

“Xildhibaanada waa diyaarsan yihiin 80% waxyar oo ay ka taagan doodo ayaa dhiman waxaana lagu soo diyaariyay Muqdisho, annaga ka guddi ahaan door muuqda haba-yaraatee kuma lihin howlaha socda, laakiin magacayna ayaa lagu shaqeestaa qaarkeynna waa la adeegsadaa inta soo hartayna qof la tashato ama howl u dirsato maleh,” ayuu yiri Xubin ka tirsan guddigaan oo aan qarinay magaciisa.

“Guddiga dhan waxaa ka shaqeysa 3 nin, iyagana uma madaxbanaana shaqada ee wixii loo diro ayey qabtaan, beelaha intooda ugu badan soo xulista door kuma lahan, dhamaan Xildhibaanada hal nin ayaa go’aan ka gaara, waana musharax ay dowladda wadato,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xubintaan ka tirsan guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Beelaha Mudulood ay isku koobeen soo xulista Ex Imaamkii Hore Iyo Ugaaska Da’ud, iyagoo gacan Ka helayaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle, halka Beesha Xawaadle loo xil saaray Yuusuf Dabageed iyo Cabdifataax Xasan Afrax, waxeyna kala tashanayaan Gacan-yarayaasha Adeege Fahad Yasin.

68760cookie-checkMadaxtooyada Iyo NISA Oo Lagu Eedeeyay Fara-Gelinta Doorashada Hir-Shabelle