Sarkaal Ciidan Ka Digay Labada Shabaab

Somalia news

faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qeylo Dhaan uu soo saaray Gen.Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ku baaqay in si wadajira lagula dagaalamo waxa uu ugu yeeray ‘Labada Shabaab ee is waca’….

Sarkaalka ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii Nabad Suggida ee Magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon (Qooje) iyo sagaal askari oo kale oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala wadada xiririisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Wuxuu sheegay inaanan maalin kasta tacsi lagu jiri karin, taasi bedelkeedana uu ku baaqayo in si wadajira lagula dagaalamo labada Shabaab ee is waca, “Waxaan ku baaqayaa tacsi kuma jiri karnee labada Shabaab ee is waca, in si wadajir ah ula dagaalno.” Ayuu yiri Taliyaha oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

93400cookie-checkSarkaal Ciidan Ka Digay Labada Shabaab