Odayaal la Macaamilay Kooxda Shababka Oo Xukun-Xabsi Ciidan lagu riday

Somalia news

Maxkamada Ciidamada ee Darajada 1-aad ayaa Xukun ku riday Odayaal Dhaqan oo ka soo jeeda Beesha Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, kadib markii lagu eedeeyay iney heshiis la gaareen Kooxda Argagixisada Shababka si loo soo daayo Dad, Xoolo iyo Gaadiid ay kooxdu afduubatay..

Inkastoo su’aalo laga keenay xukunka Maxkamada Ciidamada ku riday Odayaashaan Rayidka ah, isla markaasna aysan weli Baarlamaanku ansixin Xeerka argagixisada, ayaa Odayaasha waxaa lagu eedeeyay iney jebiyeen Amarka Dowladda Federaalka in aan la la macaamili karin Kooxda Argagixisada.

Iyadoo dhageysiga Dacwada ay soo gunaanadee 18-kii Jenaayo ee sanadkaan, Garsoorka Maxkamada Ciidamada ee derejada 1-aad Eedeysanayaasha kala ah:-

-Cumar Maxamed Jumcaale Aadan (Faniin).

-Cali Axmed Xeyle Xaraale (Cali yare)

-Sugaal Warsame Cali Yarow

Waxey Maxkamada Ciidamada ku xukuntay Eedeysanayaashani 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo il ku heynta Boliiska sida uu warbaahinta u sheegay Godoomiyaha Maxkamada Derejada 1-aad ee Ciidamada, wuxuuna u sheegay in Eedeysanayaasha ay rafcaan ka qaadan karaan Xukunka.

239740cookie-checkOdayaal la Macaamilay Kooxda Shababka Oo Xukun-Xabsi Ciidan lagu riday