Sarkaal NISA Ka Tirsan Oo Loo Xiray Weerarkii Hoteelka Maa’ida

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laga helayaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Warran oo u Xil saaran Howlgalada Gurmadka iyo ilaalinta Xarumaha NISA, oo lagu xiray Magaalada Mogadishu, kadib markii uu ka biyo diiday inuu qeyb ka noqdo Weerarkii Hoteelka Maa’ida…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Waran ee NISA Gaashanle Maxamed Xasan ayaa la xiray kadib markii uu ka horyimid Amaro qaldan oo dhan ka ah Daatuurka iyo shuruucda Dalka, ayna si wadajir ah u soo saareen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad Yaasiin Agaasimaha NISA kuns aadanaa inuu qeyb galo weeraro ka dhan ah 2-Madaxweyne ee hore Xasan Sheikh & Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waa Ayaan darro in Ciidamada Qaranka loo adeegsado Dano gaar ah oo guracan, islamarkaana Saraakiisha ka hortimaada la xiro, waana Astaamaha Kali talisnimada, waxaana ku baaqeynaa in Sarkaalka xoriyadiisa si Shuruudo La’aan ah loogu soo celiyo.

96340cookie-checkSarkaal NISA Ka Tirsan Oo Loo Xiray Weerarkii Hoteelka Maa’ida