Miyeey tahay Demb in Lagugu Ciqaabo ama Lagu Xiro Waxa aad Aaminsan Tahay oo aad Taageereysid..

Somalia news U.S.

Faahfaahin ayaa laga helayaa xaqiiqda ah in Isra Xirsi (@israhirsi) Gabadha 21-jirka ah ee ay dhashay Ilham Cumar oo xubin ka tirsan Congress-ka Xisbiga Dimuqraadiga ee USA oo Waxbarashadii laga joojiyay kadib markii mudaharaad lagu taageeraayo Shacbiga Falastiin ka qeyb gashay..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Isra Hersi loo diray qoraal loogu sheegaayo in iyada 3-kale oo Arday Waxbarashada laga joojiyay sababo la xiriira iney ka qeyb gashay Banaan looga soo horjeeda Xasuuqa ay Ciidamada Israel ku hayaan Shacbiga Falastin, iyadoo cambareysa Maamulka Jaamacada ciqaabta ay soo saareen.

Isra Xirsi ayaa barteeda bulshada ku qortay, “Waxaan ahay Abaabule la socda CU Apartheid Divest @ColumbiaSJP, 3-dii sano ee aan joogay @BarnardCollege weligay la iima soo gudbin canaan mana helin wax digniin ah oo la xiriira akhlaada iyo edbin ah, Ma aaminsani in Dadka laga mamnuuco ama laga joojiyo ama xabsiga loo taxaabo waxa ay aamisan yihiin, mudaharaadyada Maraykanka? Xataa miyay tahay in laguu ciqaabo ku xad-gudbida Nidaamka Jaamacadda ama Capitol-ka Maraykanka.

322100cookie-checkMiyeey tahay Demb in Lagugu Ciqaabo ama Lagu Xiro Waxa aad Aaminsan Tahay oo aad Taageereysid..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *