Mid ka mid ah Saraakiisha Amaanka Ee Mucaaradka u magacaabeen inuu ka mid noqdo, oo wareysi siiyay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay iney difaacayaan Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Somalia hadii la soo weeraro….
Mr.Yuusuf Indha Cadde oo la hadlayay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacaan Musharaxiinta Madaxweynaha, hadii weeraro uga yimaadaan Xoogaga Amaanka ee Maamulka muddo xileedkiisu dhamaadka yahay.
“Iyadoo aan nala magacaabin ayaa diyaar u nahay inaan difaacno dadkaas Musharaxiinta ah, sidaan shalay u difaaceynay Farmaajo markuu Musharaxa ahaa”
776000cookie-checkSarkaal Xaqiijiyay Iney Musharixiinta Difaacayaan