Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu ka Seexan Waayay Magacaabista Wasiirka Maaliyada..

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa muujinaaya in Madaxweynaha gooni goosadka ee muddo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu si weyn uga carooday in Hogaanka Villa Somalia u magacaawdo xilka muhiimka ee Wasiirka Maaaliyada Biixi Iimaan Cige oo ka soo jeeda Beesha Garxajis…

Magacaabista Wasiir Biixi Iimaan Cige oo hore aan wax culeys ah u saarin Maanulka Hargeysa ayaan la garaneyn sababta uu sidan uga carooday magaacibidiisa, inkastoo Maamulka Xasan Gurgurte lagu eedeeyay inuu jebiyay Hanasn qeybsiga Beelaha ee 4,5, isagoo isku daray Gudoomiyaha Baarlamaanka (Habar awal) Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda (Garxajis) & Wasiir (A) ah.

Wararka ayaa sheegay in Muuse Biixi uu cabasho u gudbiyay Madaxweynaha Djibouti, isagoo sheegay inuu cabasho ka yahay Villa Somalia oo maalmahaan soo dhoweyn u sameeyay Odayaasha Dhaqanka ee SSC-Khaatumo, isla markaasna uu taagan uu dalacsiiyay Kooxda Midnimo doonka ee Garxajis.

Masuuliyiinta Garxajis ee ka tirsan xukuumada Federaalka oo aan wax dagaal ah kula jiran Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa hadana lagu kari la’yahay inuu u quuro Xilalka ay hayaan, Muuse Biixi ayaa hore u amaanay Xubnaha Jufadiisa ka tirsan ee Muqdisho ku sugan isagoo kuwa beelaha kalena ku sheegay iney yihiin qaran dumis.

265110cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu ka Seexan Waayay Magacaabista Wasiirka Maaliyada..