Qaxootiga laga Daabulayo Xeryaha Kenya oo loona Qaadayo Dalal Kale

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo ay Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR ku dooneyso in ilaa 100,000 oo Qaxooti ku nool Dhadhaab iyo Kaakumo dib u dejin cusub loogu sameeyo Dalal kale, kadib markii ay Kenya u qabtay 2-todobaad…

Wararka ayaa sheegaya in Qorshaha UNHCR lagu qeexay in 5,000 oo Qaxooti si gaar ah Dib-u-dejin loogu samayn doono dalka Maraykanka. UNHCR waxaa kaloo u qorsheysan Fulinta Dib-u-rarka Qaxootigaan sida shaxdaan ku cad:-

– In 10,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo  dalka Somalia

– In 5,000 dib loo dejiyo Ethiopia

– In 5,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo South Sudan

– In 3,500 Qaxooti dib loo djeiyo ama loo raro dalka Burundi dabayaaqada sanadkan 2021-ka

– In 2,500 Qaxooti Sharciga Degananshaha (Residency Status) ka heli doonaan dalalka ku bahoobay Urur-gobaleedka Bulshada Bariga Afrika ee The East African Community ee EAC, kuwaasi oo kala ah: Uganda, Tanzania. Burundi, Kenya, Rwanda iyo  South Sudan

Xeryaha Dhadhaab ayaa la sheegay iney ku nool yihiin 512,494 Qaxooti ah halka Dadka magangeliyo doonka ah tiradoodu lagu sheegay 224, 462, sidoo xeryaha Kaakuma iyo Kolobeyei ayaa ku qaxooti dhan 81,574.

109850cookie-checkQaxootiga laga Daabulayo Xeryaha Kenya oo loona Qaadayo Dalal Kale