Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in Wiil uu dhalatay Marxuum Senator Yuusuf Hagi loo doortay inuu buuxiyo Kurisgii uu aabihii ku fadhiyay intii uusan geeriyoonin bishii February Sanadkaan, Senator-ka cusub ayaa laga soo doortay degaanka Gaarisa…
Wararka ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada ee Dalka Kenya ay shalay ku dhawaaqeen in kursigaasi uu ku guuleystay Abdulkadir Mohamed, kadib markii ay ka gaabsadeen dhinacyadii kala duwanaa ee Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada ka dhisan Magaalada Gaarisa si ay ula tartamaan Senator-ka cusub, iyagoo ku qadarinaaya aabihiis, Doorashada ayaa loo balansanaa 18-ka May Sanadkaan dhacdo balse la waayay musharax la tartama.
Senator Abdulkadir Mohamed (alias Abdul Hagi) ayaa soo caan baxay 8-sano ka hor kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxda Shababka suuqa Westgate Mall Ee Magaalada Nairobi, Mr.Abdul ayaa ka mid ahaa kooxihii ka qeyb qaatay badbaadinta dadkii ka dukaameysanaayay Suuqaasi, xiligaasi oo uu ka mid ahaa Hey’addaha Amaanka Kenya, wuxuuna soo badbaadiyay Caruur iyo dad kale ku go’doonsanaa Suuqasi.