Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gaaray Magaalada Doolow loogana Fadhiyo inuu Heshiisiiyo Garabyada Gobolka

Somalia news

Sidaan horey u qornay waxaa magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ka degay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu Hoggaaminayo, wuxuuna u howl geli doonaan sidii la isku soo dhoweyn lahaa garabyada isku haya Gobolka..

Wafdiga Agaasimaha ayaa Magaalada Deelow ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobolka, Mahad ayaa lagu wadaa in kulamo la yeesho qaar kamid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka, xilli halkaas ka jiraan xiisado u dhaxeeya Garabyada isku haya maamulka iyo Dhaqaalaha Gobolka.

Magaalada Doolow ku sugan Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyagoo halkaas kulamo ka sameeyey.

Safarka Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ee Gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaya xilli uu hoos u dhac ku yimid Saameynta Maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe

232030cookie-checkAgaasimaha Hay’adda NISA oo Gaaray Magaalada Doolow loogana Fadhiyo inuu Heshiisiiyo Garabyada Gobolka