Shababka:-Naftii-halige ku heyb ah Farmaajo Ayaa fuliyay Weerarkii B/weyne

Somalia news

Kooxda Argagixisada Shababka ayaa baahisay macluumaadka la xiriira shaqsigii 23-kii bishaan isku qarxiyey Ex.Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Muwaadiniin kale, xilli ay ku sugneyd afaafka hore ee xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne…

Warbaahinta kooxdaan ayaa baahisay cod horey looga duubay Naftii-haligihii fuliyay Weerarka ka dhacay Beledweyne, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdulqaadir Goosaar (Albaani), Shaqsigaan ayaa ku heyb ah Farmaajaha fashilmay, wuxuu ka soo jeeday Degmada Beled xaawo, jufadiisuna aheyd (Mareexaan-Celi dheere).

Ninkaan oo intii uusan is-qarxin laga duubay ku dhawaad 20 daqiiqo oo cod ah, wuxuu ku celcelinayaa in la jahaado oo gaalada lala diriro, laakiin dadkii uu isku qarxiyey dhamaantood waxay ahaayeen Muslimiin, Soomaali, reer Beledweyne ah.

Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd gabar ahlu diin ah (Xaafiid ah) ayuu toos u beegsaday ninkaan oo isku qarxiyey, waxayna geerida dadka kale ee Aamina la dhintay ay kor u dhaaftay 50 qof, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

177940cookie-checkShababka:-Naftii-halige ku heyb ah Farmaajo Ayaa fuliyay Weerarkii B/weyne