Miyaa Diyaaradihii Ka Degi Jiray Garoowe Oo La Hakiyay

Somalia news

Ilo Wareedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Maalmihii ugu dambeeyey uu soo ifbaxayey warar sheegaya inuu hakad kuyimid duulimaadyadii imaan jirey deegaamada Puntland gaar ahaan Garoowe iyo Boosaaso…..

Xogtaan ayaa sheegtay in dhowr sababood oo is biirsaday ay horseeday hakintaasi, waxaana ka mid ah, khilaaf u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo aan weli la xalin iyo Maamulka Villa Somalia oo la sheegay iney ku cadaadiyeen Ethiopia iney yareeyaan Duulimaadyada Diyaaradaheeda Ee Magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso.

Shirkadda Ethiopian airlines Ayaa la sheegay iney degaanadaasi tegi jirtay 6-maalmood, iyadoo markii dambe 3-duulimaad laga dhigay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus, iyadoo Maamulka Puntland ay beeniyeen ineysan caqabad ku imaanin duulimaadyada Ethiopian airlines.

70090cookie-checkMiyaa Diyaaradihii Ka Degi Jiray Garoowe Oo La Hakiyay