Imaam Masaajid Oo Dabley Hubeysan ku dileen Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga Dil qorsheysan oo Aroortii hore Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, Dilalkaan ayaa la sheegaya iney fuliyeen kooxo bistoolado ku hubeysan kuwaasoo ku dilay degmada Wadajir Wadaad caan ka ahaa degmadaasi…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumka oo xiliga la dilay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee kuyaalla agagaarka Jaayga Degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa, waxaana lagu magacaabi jiray sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud, iyadoo ay Rasaasta oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taasoo dhalisay inuu isla goobta ku geeriyoodo, walina lama cadeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.

Kooxihii Falkaan dilka ah geystay oo ilaa saddex Dabley lagu sheegay ayaa goobta isaga baxsatay ka hor inta aysan soo gaarin laamaha amaanka, kuwaasoo goobta ka fuliyay Baaris aan wax natiija ah ka dhalan.

242000cookie-checkImaam Masaajid Oo Dabley Hubeysan ku dileen Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com