Sanadkaan ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Muwaadiniinta Soomaaliyeed si qasab ah loo barakiciyo degaanada ay ku noolaayeen, iyagoo boob xoogan loo geystay Meherahooda Ganacsiga iyo guryihii ay ku noolaayeen, Falalkaan guracan ayaa laga bilaabay Magaalada Laascaanood, iyadoo ku xigtay Magaalada Ceergaabo UN gudubtay Magaalada Burco, haatana Magaalada Waajid…
Kooxda Argagixisada Shababka ayaa dhankooda Ka bilaabay iney si qasab ah u barakiciyaan Qoysas fara badan oo xoolo dhaqaatada iyo Beeraleyda ku nool degaano hoos taga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxayna qoysaskan ka mid yihiin dadkii reer miyiga ee duleedyada degmadaasi ku dhaqnaa.
Waajid waxay ka mid tahay Degmooyinka Gobolka Bakool, ee ay horaan go’doomiyeen maleeshiyada Kooxda argagixisada Shabaabka, xaaladda nololeed ee ka jirtana waxaa lagu sheegay mid khatar ah una baahan in gargaar loo fidiyo.
Cabdirashiid Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Waajid ayaa sheegaya in qoysaska faraha badan ee degmada ku soo barakacaya ay culeyska uun ku kordhinayaan degmadaasi, iyadoo aysan muuqan wax gurmad ah Oo Hey’addaha Gargaarka, kuwa UN-ka, Dowladda Federaalka iyo Mida Konfur galbeed u fidinayaan Barakacayaasha ku dhibaateysan gudaha Degmada Waajid.