Shacab Ku Geeriyoodeen Qarax Miino

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Gaari Kuwa raaxada ah oo ka tegay Degaanka Qooqaani kuna sii jeeday Magaalada Dhoobley waxaa ku qaraxday miino jidka la geliyay oo u geysatay Khasaare Dhimasho sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen Sarakiil & goob joogayaal….

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyoodeen Qaraxaas 5-ruux oo kala ah, Wadaha Gaariga, Haweeney Umul ah, Wiil ay dhashay oo jiray 2-bilood iyo labo kale oo la socotay Gaariga sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Dhoobley Maxamed Xasan Uleex.

Qaraxaan oo dhacay Xalay Fiidkii, waxaana gurmad la siiyay Gaariga qaraxa loo dhigay oo ay la socdeen dadka shacabka, Maydadka 5-ta ruux ayaa la geeyay Deegaanka Dhooblay oo ay u socdeen.

Guddoomiyaha Dhoobley oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa mas’uuliyadda qaraxaas dusha ka saaray Kooxda Shababka, maadaama waddadaas dhowr jeer oo hore ay geliyeen qaraxyo dhimasho & dhaawac u geysatay dadka shacabka.

Ku safarka waddooyinka Gobolka Jubada Hoose waa mid adag, dhowr jeer waxaa la weeraray Gawaari ka safartay Degmooyin katirsan Gobolkaas, halka qaar kale loo dhigay miinooyin ku qarxay.

82790cookie-checkShacab Ku Geeriyoodeen Qarax Miino