UNHCR Oo Liiskeeda Ka Saartay Dadka Kenya U Dhashay

Somalia news

Baaritaanka UNHCR oo soo bilowday bishii November ee sanadkii hore, ayaa waxaana lagu ogaaday in Muwaadiniin u dhashay Kenya ay isu diiwaan geliyeen Qaxooti ahaan, iyadoo la sheegay in muddo ah gargaar loogu fidin jiray si loo caawiyo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Baarista Kiiskaan ay ka qeyb qaateen Oday dhaqameedka qabaa’ilka kala duwan iyo Saraakiisha laamaha amaanka si loo xaqiijiyo aqoonsiga qaxootiga diiwaangashan, waxaana soo shaac baxday in 14-000 oo Muwaadiniin Kenya u dhashay ay si sharci darro ah gargaar loogu fidin jiray.

Xoghayaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya, Xuseen Dado ayaa sheegay in ay jireen Kenyaati badan oo qaxootinimo is qoray si ay u helaan taageerada UNHCR bixiso, Baaritaankan oo ay Dowlada Kenya gacanta kasiiyey hay’ada UNHCR ayaa qeyb ka ah qorshaha la doonayo in lagu xiro qeyb kamid ah xerada Dhadhaab oo mar hoy u ahayd 600-kun oo qaxooti ah oo intooda badan ka yimid dalka Somalia.

82840cookie-checkUNHCR Oo Liiskeeda Ka Saartay Dadka Kenya U Dhashay