Aaladii Telegram Oo Hawada Somalia laga saaray xilli ay Shaqeenayaan TikTok & 1XBET..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ayaa laga helayaa Howlgal ay hawada kaga saartay Wasiirada Isgaarsiinta Dowladda Federaalka, kadib markii Shalay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Degaanka Cowsweyne oo ay ku baahiyeen Muqaalo kooxda Agagixisada..

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada August 20, 2023-ka Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lagu amar shirkadaha Internetka bixiya in ay hawada ka saaraan TikTok, Telegram iyo 1XBET, iyadoo sheegtay in Aaladahaan ay yihiin kuwa ka hor imaanaya Diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Islaamka, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay noqdeen baro ay adeegsadaan Shabaabka kuwaasoo fariimahooda ay ku faafiyaan.

Ma cadda in Shirkadaha bixiya adeega internet-ka ay hawada ka saarayaan barnaamijyada TikTok iyo 1XBET oo horay Dowladda u sheegtay in la xirayo, walow qaar ka mid ah Bulshada iyo Siyaasiyiinta ayaa siyaabo kala duwan uga wada hadlay xiritaanka Barnaamijyadaan.

274280cookie-checkAaladii Telegram Oo Hawada Somalia laga saaray xilli ay Shaqeenayaan TikTok & 1XBET..