Shaki Laga Muujiyay Inuu Farmaajo Nabad Diyaar u yahay

Somalia news

Hogaamiye kooxeedka soo daahay,ayaa bilaabay in uu Magaalada Muqdisho dib ugu soo celiyo Ciidamadii Ka Jiray Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabelle iyo K/Galbeed, tirada guud ayaa lagu qiyaasay iney gaaraya guud ahaan 250-Askari, Waxaana si toos ah loo hoos geeyay Adeege Fahad Yaasiin, waxaana shaki laga muujiyay inuu Farmaajo diyaar u yahay Nabadeynta Caasimadda…

Ujeedka soo xaraynta Ciidamadan,ayaa ah in ay qayb ka noqdaan iska hor imaadyada Xamar ka socda, Hogaamiye kooxeedka waxaa gacantiisa ka baxay Ciidan fara badan iyo degmooyin dhowr ah.

Dhanka kale, Qaramada midoobay ayaa sheegay in 60,000 ilaa 100,000 oo qofood ay ku barakaceen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho 25 April, kuwaasoo isaga guuray guryahoodii, Waana wax laga naxo in Dad rayid ah ay ka barakaceen Qalalaasaha uu abuuray hogaamiye kooxeedka soo daahay, Dadkaas uma damqan,uma tacsiyayn mana soo hadal qaadin.

115230cookie-checkShaki Laga Muujiyay Inuu Farmaajo Nabad Diyaar u yahay