Maxeynu Ka Baranay Barakicinta Maatada Ee Gobolada Waqooyiga

Somalia news

Toban sano ka hor maamulka Somaliland ayaa wuxuu Deeq gargar u fidiyay dad ku tabaaloobay Abaaro iyo macaluul ku habsatay qeybo ka mid ah Koonfurta Dalka, Dad badani waxay is weydiinayaan sababta dareenkaas damqashada leh uga dhammaaday Garashada Mas’uuliyiinta xiligaan hogaanka u haya ee maamulka Gobolada Waqooyiga…

Waanadiii Guddoomiye Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare, u soo jeediyay Muuse Biixi kuna saabsanayd inuu xil ka saaran yahay dhowrista magaca dadka ay siyaasad ahaan metelaan. Waa ayaandarro haddii madaxda xisbiyada mucaaradku aamminsan yihiin doodda Madaxweyne Muuse Biixi in dadka Laascaanood lagu boobay oo laga barakiciyay ay shisheeye yihiin. Dadka la barakiciyay ma aha qaranlaawe (stateless).

Xeeldheere Prof.Kabire, ayaa ku tilmaamay ciqaab wadareed falka dad Soomaaliyeed lagaga barakiciyay Laascaanood. Dhanka siyaasadda marka aan eego, eeddu waxay sidoo kale saaran tahay madaxda Dowlada Federaalka waayo heshiiskii 2013kii sida gaarka ah Somaliland yabooha loogu siiyo (Special Arrangement) wuxuu ku salaysnaa horumarin iyo dhowrista xuquuqda barakacayasha gudaha.

Maamulka Muuse Biixi Waa inuu dhowr as sharciyada caalamiga ah iyo ku Dhaqanka dastuurkeeda oo aan bannaynaynin falka loo geystay dad Soomaali ah oo ku noolaa Laascaanood” ayuu yiri  Prof.Kabire, Waxaan aad u la yaabay in dad magangelyo ka helay dalalka Galbeedka oo saxiixay inaysan gaboodfal taageeri doonin ay maanta taageerayaan boobka iyo barakicinta loo geystay dad ku noolaa Laascaanood.

Waxaa mudan in la dul istaago lagama-maarmaannimada in Hey’addaha sharci-dejinta heer Federaal curiyaan sharci lagu dhowrayo xaqa qofka Soomaaliyeed meel kasta uu ka joogo dalkiisa hooyo. Eedda gabood-fal loogu geysto qof Soomaaliyeed meel ka mid ah Somalia waxay saaran tahay awoodda siyaasadeed (political authority) meeshaas ka jirta.

144070cookie-checkMaxeynu Ka Baranay Barakicinta Maatada Ee Gobolada Waqooyiga