Maxaa Ka Jira In Mooshin Laga Diyaariyay Rooble (Lahelow)

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Gudoonka Baarlamaanka Muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa xaqiijiyay in kulanka degdegga ah ee uu Guddoomiyaha ugu yeeray Xilldhibaannada maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Wasiirka 1-aad ee Xil Gaarsiinta Mr.Rooble….

Guuxa talaabadaan ku aadan ayaa saacadihii la soo dhaafay aad isu soo taraayay, kadib markii xog laga helay Xildhibaanada qaar ay isla wadaageen in maalinta Sabtida ay la gedin doonaan Rooble, si mowjad cusub uu dalku u galo.

Gudoonka iyo Farmaajo ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre, warar ayaa sheegaya In Cali Maxamed Geedi loo balanqaaday Xilka Ra’iisul Wasaaraha.

115180cookie-checkMaxaa Ka Jira In Mooshin Laga Diyaariyay Rooble (Lahelow)