Shaqaalaha Hey’addaha Samafalka Oo Hanjabaado Loo Geystay

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in shaqaale ka tirsan Hey’addaha Samafalka in Saraakiisha Amaanka ee Garoonka Diyaaradaha ee Bole Airport joojiyeen xili ay sii galaayeen garoonkaasi shalay galab, ka hor duulimaad ay ugu sii jeedaan Magaalada Makelle Ee Gobolka Tigray..

Howlwadeenada Hey’adda WFP oo Ka Cabanaaya iney dhibaato soo gaarto, hadii ay la xiriiraan Saxaafada, ayaa sheegay iney cabsi gelin dheeraad ah kala kulmeen Saraakiisha Amaanka ee garoonka diyaaradaha Addis abeba, ka hor inta aysan raacin duulimaad ku wajahnaa Magaalada Makelle.

Waxey intaasi raaciyeen in “Saraakiisha Amaanka ayaa nagu amray inaan qaadi karin lacag ka badan 1000-bir una dhiganta US$ 230, shaqaalaha qaarkood ayaa diiday iney raacaan diyaarada, iyagoo u baqay in dhibaato loo geysto inta ay hawada ku jiraan”.

Diyaaradaan aan oo siday rakaab dhan 30-xubnood ayaa astaanteedu aheyd UNHAS, waxaana ka soo shaqeeyay Hey’adda WFP, iyadoo todobaadkii tagay Maamulka Abiy uu ku eedeeyay qaar ka tirsan Hey’adda Samafalka Ee ka shaqeeya Gobolka Tigray iney Hub iyo rasaas si qarsoodi ah ugu gudbiyeen Jabhada TPLF.

130870cookie-checkShaqaalaha Hey’addaha Samafalka Oo Hanjabaado Loo Geystay