Ethiopia Oo Addis Abeba ku Qaabishay Mas’uuliyinta ka tirsanMaamulka Garoomada Diyaaradaha Puntland & Sababta…

Africa News Somalia news

Khilaafka u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamulka Addis abeba ayaa gaaray halkii ugu hooseysay, iyadoo ay soo shaac baxayaan in Maamulka Abiy uu sii wado kulamada ay Saraakiishu la yeelaneyso Mas’uuluyiinta Maamulada Gobolada (Waqooyiga Somalia) iyo Maamulka Puntland…

Macluumaad ayaa la helayaa Kulaan uu Wasiirka Arrimaha Duulista Maamul Goboleedka Puntland Cabdullaahi Bile Nuur & Xubno kale kuwaasoo uu qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka Dhenge Boru iyo Mareeyaha Ethiopian Airlines Mesfin Teswe Bekele iyo Mareeyaha Duulista Hawada Ethiopia Getachew Mingistie, Kulankaan ayaa lagu lafa guray sidii looga gaashaman lahaa Hadiiba ay Dowlada Federaalka go’aamiso iney joojiso Diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Ethiopia ayaa daneyneysa in Diyaaradaheeda Cargo-ga sidii Duulimaadyada u kordhin laheyd inkastoo ay u baahnaan doonto fasaxyo xagga Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Dowladda Federaalka, waxaana la sheegaya in loo balanqaaday Maamulka Puntland in Korsooyin waxbarasho oo dhanka Hawada ah (Sholarship) ee Ardayda Maamulka Puntland.

319510cookie-checkEthiopia Oo Addis Abeba ku Qaabishay Mas’uuliyinta ka tirsanMaamulka Garoomada Diyaaradaha Puntland & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com