Muwaadiniin Is-xilqaamay Oo Biyo Dhaamin Ka Bilaabay Gobolka Gedo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Muwaadiniin is-Xilqaamay ay ka bilaabeen booyado ay biyo ku dhaamiyeen iney gaarsiiyaan Sadka rayidka ah ee saameynta ku reebtay abaarta iyo biyo La’aanta ka taagan Degaanada hoos yimaada Gobolka Gedo…

Muwaadiniinta is xilqaamay oo ka socda qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed oo isku xilsaaray u gurmashada Dadka abaarta ku saameysay Gobolka Gedo ayaa bilaabay biyo dhaamin loo sameynayo qoysaska kunool miyiga & Deegaannada haraadka laga soo sheegay, waxaana howshaan ka qaybgalaya 17-Biyadood oo dadka gaarsiinaya Biyo si ay ugu nagaadaan Deegaannadooda.

Deegaannada maanta biyaha la gaarsiiyay waxa ay u dhaxeeyaan Degmooyinka Baladxaawo, Ceelwaaq & Garbahaarey sida uu sheegay Xasan Xaayow oo xubin ka ah Guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka Abaartu saameysay.

Waxaase Ayaan darro ah in Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday uu ka gaabiyay inuu badbaadiyo kana qeyb qaato gurmadka loo fidinaayo Shacbiga ku Gobolka Gedo, kuwaasoo xiligaan adag dagaal kula jira abaarta iyo Biyo La’aanta, iyadoo dhaqaale Qaranka Uu Maamulka u wareejiyay hurinta colaad sokeeye.

100560cookie-checkMuwaadiniin Is-xilqaamay Oo Biyo Dhaamin Ka Bilaabay Gobolka Gedo