Sheekh Axmed Madoobe Oo Safar Shaqo Ku Tagay Nairobi

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Ahmed Mohamed Islaam, ayaa safar ku tagay Magaalada Nairobi ee Kenya, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono wakiilo iyo madax ka socota dalal kala duwan….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in diyaarad khaas ah ay garoonka Kismaayo ka qaaday galinkii dambe ee Isniintii Madaxweynaha Jubbaland, waxaana uu u kulamo kula yeelan doonaa magaaladda Nairobi qaar kamid ah Saraakiisha Dowladda Kenya, Wakiillada Beesha Caalamka ee Somalia, Hay’adaha samafalka iyo Madax ka socota dalal katirsan Khaliijka oo ay ka wada-hadlayaan Doorashooyinka Somalia.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan gudbiyay xubnaha ku matalaya Jubbaland guddiyada Doorashooyinka Labada heer, kuwaasoo isbedel uu ku sameeyay, sidoo kale Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cambaareysay Weerarkii diyaaradaha dagaalka Kenya Ee ay ku qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

123430cookie-checkSheekh Axmed Madoobe Oo Safar Shaqo Ku Tagay Nairobi