Farmaajo Oo Kenya u Gudbiyay Codsi Ku Aadan Xiriirka Labada Dal

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in Farmaajo Uu weydiistay Dalalka Qatar, UAE iyo Ethiopia iney culeysyo saaraan Dowladda Kenya, sidii loo qaadi lahaa xayiraadaha dhinaca duylimaadyada iyo sidii dib looga wada hadli lahaa dib u soo celinta Xiriirka labada Dal…

Farmaajo ayaa ku baaqay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo ka soo shaqeeya qaabkii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii Diblomaasiyadeed Ee Somalia iyo Kenya, Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa lagu sheegay “In Dowladdu ay xaqiijineyso ka shaqeynta sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada Dal”.

Xiriirka labada Dal ayaa xumaaday kadib markii Farmaajo uu joojiyay Qaadka Kenya isla markaasna uu Walaalkiis siiyay Qandaraaska Qaadka Ee Ethiopia, kaasoo hadda laga dejiyo Magaalooyinka Baydhabo, Dhuusa Mareeb iyo Mogadishu, Dalabka cusub ayaa u muuqda mid Maamulka wakhtiga ka dhacay uu ku doonaayo inuu ku hagaajiyo Sawirkiisa Gobolka ka hor bilowga ololaha Doorashada.

124240cookie-checkFarmaajo Oo Kenya u Gudbiyay Codsi Ku Aadan Xiriirka Labada Dal