UN-ka “Ciidamo Soomaaliyeed Ay Loo Adeegsaday Dagaalka Tigray

Somalia news

Warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee UN-ka, ayaa lagu sheegay in Ciidamo Soomaaliyeed loo adeegsaday Dagaalka Ka socda Gobolka Tigray ee Federaalka Ethiopia, Ciidamadaan ayaa tababaro u joogay xero ku taal Duleedka Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea…

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa horey u beeniyay xaqiiqda Ciidamadaan wallow ay qirteen iney Tababaro ugu direen Dalka Eritrea inkastoo aysan shaacin tirada dhabta ah Ee dalkaasi loo qaaday, waana markii ugu horeysay ee Ciidamo tababaro loogu qaaday Eritrea.

Guddiyada Baarlamaanka Federaalka ayaa horey u dalbaday Maamulka Farmaajo uu ka jawaabo su’aal aha ku gedaaman Ciidamadaan, iyagoo Waalidiinta Caruurtaan ay dhowr jeer cabasho iyo dibadbaxyo dhigeen iyagoo ku dalbanaaya in Xaalada Wiilashooda ay Dowladdu jawaab ka siiso.

Guddiga xuquuqda Aadanaha ee UN-ka ayaa waji cusub u yeelay dhiilada ku gedaaman Ciidamada Somalia, iyagoo tiradoodu ku sheegay ilaa 2000-Askari, Warbixinta oo ka koobneyd ilaa 17 bog ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka uu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida in laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee dagaalka Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Xadka Ethiopia, Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.

123460cookie-checkUN-ka “Ciidamo Soomaaliyeed Ay Loo Adeegsaday Dagaalka Tigray