Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo xalay ka hadlayay munaasabadda sanadguurada 2-aad ee doorashadii Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in doorashada ku dhacdo xiliga ugu horreeya ee lagu qaban karo, isla markaana aanu isaga iyo cid kale ku fikirin in doorashada ay sii jiitanto…
Sheekh Axmed Islam Mar uu ka hadlayay Xiisada Ciidamada Gobolka Gedo ayuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay arrintaan ka wada hadli karaan oo aan loo baahneyn safiirada la isu dirayo, isagoo ku taliyay in shir la isugu yimaado.
https://www.facebook.com/574033385/posts/10158238276263386/?
“khilaafka ka jira Gedo Madaxweynow adiga sharaf kuu aheyn yeysan kugu dhicin suuro ah in Madaxweynaha uu is xijisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadada iyo Madaxtinimadada haddii arrintada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobolada kale xukunto haddii caqabad jiraan waxaa u baahan in laga wada hadlana oo la isu yimaado. Waxaan aad ugu talinayaa in shir la isugu yimaado, waxaa leeyahay saaxibkey Qoorqoor waxaa isu sheegnay inuu kor u sheego warka hoose meesha ka baxo oo warar la isla dhex wareegayo ee laga hadlayo kuraas kuwa Gedo yaalla iyo kuwa halkaas yaalla kuraasta waxaa is ka leh qabaa’il Xildhibaan u sharaxan guddi leeyihiin nidaam loo mara jira odayaal qeyb ka ah”