Shabaab Oo Degaano Cusub ka Qabsaday Galmudug

Somalia news

Iyada oo kooxda Hogaanka u heysa Dowlad goboleedka Galmudug fariisin KMG Ah ka dhigeen Magaalada Mogadishu isla markaasna ku mashquulsan yihiin xalinta xiisadaha Guddiyada Doorashada ee dowlada Federaalka Dowlad Goboleedyada Qaarkood iyo Hogaanka Mucaaradka ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Kooxda Shababka ay la wareegeen degaano hor leh oo ka tirsan Galmudug…

Warbixino laga helay Magalaada Gaalkacyo ayaa sheegya in Maleeshiyaad aad u Hubeysan kana tirsan Kooxda Shabaab ay la waregeen tuulada Cimaamad, oo qiyaastii 15km u jirta degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug. Waxaa shacabka ku dhaqan deegaanka Hobyo iyo agaagaarkeeda la soo darsay cabsi iyo wal wala cusub.

Dhanka kale  goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay, in Kooxda Shabaab si buuxda ula wareegay tuulada Cimaamad, kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka degaankaas. Weli lama soo werin, wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka xalay dhexmaray Kooxda Shababka iyo dadka ku dhaqan tuulada Cimaamad, halkaas oo kooxdu la wareegtay. Dadka ku nool tuulada Cimaamad, ayaa la sheegay in ay hore u diideen  fulinta amar kaga yimid Kooxda oo la xiriiray in ay bixiyaan Xoolo Sakawaad ah.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo kan Galmudug Ayaa Dadka Degaanka ku Eedeeyeen iney ka gaabiyeen Xilka ka saaraan amaanka iyo Xasiloonida Degaanada Galmudug, waxaana weli aan la magacaabin Taliyaha Qeybta Ciidamada Xoogga Dalka Ee Galmudug iyo Taliyaha Ciidamada Danab ee degaanadaasi ka howlgala, iyadoo kala daadsanaansaasi ay ka fa’iideysteen Kooxaha argagixisada Shababka oo isku fidinaayaan Degaanada Galmudug.

85470cookie-checkShabaab Oo Degaano Cusub ka Qabsaday Galmudug