Maamulka Hargeysa Oo Hakiyay Wada Shaqeyntii Xafiisyada UNSOM

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ee degaanada Somaliland ayaa shaaciyay inay hakiyeen dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda., kadib markii ay ka caroodeen Heshiiska Somalia U.N.-ka….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qoraal ka soo baxay Waaxda Qorshaynta & Horumarinta Maamulkaasi ayaa lagu sheegay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay UN-ka iyo Somaliland, Maalintii shalay oo ku beegnayd 25-ka bisha Octobar ayuu go’aankaan si rasmi ah uga dhaqan galay Degaanadaasi.

Somaliland ma sheegin sababta ay go’aankaan u qaadatay, balse Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay heshiis cusub ah la saxiixatay Dowlada Federalka Somalia, kaasoo bedeli doona heshiiskii hore oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

Heshiiska wuxuu tilmaamayaa sida Dowladda Federaalka Somalia iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030.

Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah, balse aan saxaafada laga sheegin, in Dowlada Federalka lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Somalia, oo ay ku jirto Somaliland.

68840cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Hakiyay Wada Shaqeyntii Xafiisyada UNSOM