Boqortooyada Ingiriiska Oo Digniino Amaan ka soo saartay Somalia

Somalia news

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin Amaan ku aadan falal weeraro argagixiso iyo afduubyo ay qorshaynayaan Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shabaabka..

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kooxda shabaabka ay hanjabaado u jeediyeen Reer Galbeedka iyo dadka la shaqeeya ee ku sugan Somalia, islamarkaana cabsi joogto ah ka jirto magaalada Muqdisho.

Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan” ayay lagu yiri digniinta Ingiriiska.

Dowladda UK waxay sidoo kale sheegtay in ay jirto khatar sare oo la xiriirta dambiyo ka dhaca biyaha Somalia, gaar ahaan gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

186240cookie-checkBoqortooyada Ingiriiska Oo Digniino Amaan ka soo saartay Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com