Ma Dhabaa in Diblomaasiyiin & Saraakiil UAE ay Ka doo Dageen Mogadishu & Sababta..

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Todobaadkii tagay ay Magaalada Mogadishu soo gaareen Wafdi sare oo ka socday Dowlada UAE kuwaasoo la socday Diyaarad kuwa Ciidamada ah, waxeyna kulan la qaateen Madaxweynaha Somalia kuna aadan Heshiiska Turkiga iyo Somalia oo aad uga argagaxeen..

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha UAE ay Madaxweynaha kala hadleen nuxurka heshiiska iyo sida uu saameyn ugu yeelan karo Dekedaha ay maamulaan ee Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, iyagoo weydistay in loo madax baneeyo oo aan lagu fara gelin Maamulka Dekedaha, Saraakiisha ayaa la sheegay iney fududeeyeen xiriir lagu qaboojinaayo xiisadaha Ethiopia & Somalia iyo sidoo kale xiriir talefon oo dhex maray Madaxweynaha Somalia iyo kan Maamul goboleedka Puntland.

Macluumaadka la helaayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay 2-qodob oo is-fahan hordhac ah wada gaareen kuwaasoo kala ah Qabsoomida Shirka Garoowe iyo Midka Villa Somalia iyo Villa Garoowe, waxaana lagu wadaa in Mr.Deni uu ku martiqaado Shirka Garoowe 2-da Madaxweyne ee hore iyo Xubnaha Mucaaradka (C/Cabdishakuur, Gaad, Cumar Cabdirashiid iyo Kheyre).

311190cookie-checkMa Dhabaa in Diblomaasiyiin & Saraakiil UAE ay Ka doo Dageen Mogadishu & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com