Ma Dhabaa in Dib U Dhaca Doorashada Ay horseedi karaan..

Somalia news

Iyadoo uu xiligaan Dalku ku jiro marxalad kala guur ah qarkana u saaran yahay hubti la’aan waxaa haboon in doorashooyinka Gudoonka Labada Aqal si deg deg ah loo qabto si looga baxo duruufaha dhaqaale ee dalka heysta iyo mid Amni, waxaana laga marmaan ah in maanka lagu hayo qodobadaan:-

-Waxaa mar hore la xayiray kaalmadii iyo Kabkii Beesha Caalamiga aheyd ee Somalia lagu taageeri jiray, taasoo aan dib loo furi doonnin ilaa ay doorasha ka dhacdo.

-Muddadii ay kaalmadii caalamka xirneyd, waxaa jirtay dhaqaale dhan $230-Millions SDR (Special Drawing Rights) oo ay IMF ugu talo gashay in kaabayaasha lagu dhiso, balse Wasiirka Maaliyada Mr.Beyle uu u wareejiyay in gunooyinka Ciidamada iyo Shaqaalaha loo isticmaalo markii ay miisaaniyaddu sagxadda tagtay. Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen lacagtaasi waxay ku eg tahay April 30, 2022.

-Geeddi socodkii Deynta Cafinta oo fashilmaya haddii aan Madaxweyne la dooran wixii ka horeeya May 17, 2022.

Duruufaha siyaasadda, amniga iyo abaaraha ayaa intaasi sii dheer, Doorashooyinka dibka u dhacay waxay keeneen culeysyo dhan walba leh, kuwaasoo horseedi kara qalalase iyo amni xumo.

183480cookie-checkMa Dhabaa in Dib U Dhaca Doorashada Ay horseedi karaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com