Shirka Wada Tashiga Xisbiyada Mucaaradka Ee Muqdishu

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furniture Magaalada Muqdisho, Kulan balaaran oo ay ka soo wada qeyb geli doonaan inta badan Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka, Siyaasiyiin iyo Waxgaradka, iyadoo looga tashanaayo sidii Go’aan mideysan looga qaadaan lahaa Qalalaasaha ka dhashay Guddiyada Doorashada Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Magacaabay…

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socon doono 21-23-ka bishan November, iyadoo ajandayaasha looga hadli doono ay ka mid yihiin Guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka Ee Dowladda Federaalka iyo Maamulada qaarkood ay magacaabeen, marxalada kala guurka, cabsi gelinta iyo Caburinta Xisbiyada iyo Shacbiga.

Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah, Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hogaamiyaha xisbiga Dan-Qaran Daahir Maxamuud Geelle, madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mr.Xasan Cali Kheyre.

73810cookie-checkShirka Wada Tashiga Xisbiyada Mucaaradka Ee Muqdishu