Muxuu Salka ku hayaa Safarka Rooble Ee Dooxa

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay oo isniin aheyd ka degay Caasimada Dooxa kadib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Dalkaasi, iyadoo la sheegay in Booqashada ay daaran tahay 3-qodobo..

Safarka Wasiirka 1aad Ee Dowladda ayaa yimid kadib markii uu Khilaaf xoogan soo kala dhex galay Adeege Fahad Yasin isla markaasna ka eryay Agaasimihii NISA, talaabadaan oo horseeday in Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diido xil ka qaadista inkastoo markii dambe u Magacaabay la-taliyihiisa xagga Amniga.

Sida ay muujinayaan Macluumaadka Qatar ayaa Rooble kala hadlaysa hoos u dhigida karka iyo kulaylka khilaafka siyaasadeed, iyadoo Wararka qaarkood ay sheegayaan in Dowladda Qatar ay go’aansaday iney xiriirka la yeelato Mr.Rooble, isla markaasna diyaar ula ah iney Maalgeliso miisaaniyada Doorashada.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay dhowaan Wada hadal qarsoodi ah la yeelatay Saraakiil ka tirsan Maamulka Uhuruu, iyadoo kala hadashay, sidii is-faham looga gaari lahaa Muranka Xuduuda Badda oo ay Kenya sheegatay, iyadoo lagu wado in 12-ka bishaan (Talaadada soo socota) go’aan ka soo saari doonta Dacwada Kenya vs Somalia.

143670cookie-checkMuxuu Salka ku hayaa Safarka Rooble Ee Dooxa