Kusimaha Madaxweynaha Oo Ka Degtay Boosaaso & Dagaal ka Dhacay

Somalia news

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in Kusimaha Madaxweynaha Somalia Mrs.Sacdiya Salaad diyaaradii ay saarnayd ay ka dagtay magaalada Boosaaso, kadib markii ay Mas’uuliyiinta Puntland ka horjoogsadeen iney Diyaaradii ay saarneyd ku degto magaalada Garoowe…

Wararka hordhac ah ayaa sheegayaa in , Duuliyaha diyaaradda uu ku wargeliyay Mas’uuliyiinta Puntland inuusan shidaal ku filan heysan oo uu kula laabto Muqdisho, taas o halis galinaysa bad-qabka Kusimaha Madaxweynaha iyo rakaabka saarnaa Diyaaradda.

Wararka ayaa sheegay in Iska horimaad khasaare geystay ayaa dhacdadaan ka dhashay, taasoo dhex martay Xoogaga PMPF-ta iyo PSF-ta ee kusugan magaalada Boosaaso, ciidanka PSF ayaa doonayey iney soo galbiyaan kolonyada wafdiga Kusimaha Madaxweynaha, halka PMPF-tuna ay haysteen amar ka sareeya oo ah in aysan oo dagi karin.

Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Bari oo soo fara geliyay ayaa dhankooda amray in diyaaraddu dagto, bulshada la gaarsiiyo Deeq gargaar ee ay galbinayso Kusimaha Madaxweynuhua.

200070cookie-checkKusimaha Madaxweynaha Oo Ka Degtay Boosaaso & Dagaal ka Dhacay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com