Midowga Musharixiinta Oo Ku Qanciyay Cabdi Xaashi

Somalia news

Golaha Midowga Musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku qanciyay inuu ka qeyb galo munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada ee ay wada gaareen madaxda Dowladda Faderaalka ah iyo dowlad-goboleedyada dalka…

Kulan ay Hooygiisa kula yeeesheen Guddoomiyaha Aqalka Sare ayay ku qanciyeen ka qayb galka shirka iyo in wixii cabasho ah ee uu qaybo dib laga xaliyo, talaabadaan ayaa welwel laga muujiyay bacdamaa ay Kooxda Farmaajo aan la amini karin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Rooble ay soo bandhigeen in 3-da xubnood Ee Dowladda magacaabeyso uu 2-xubnood ka Qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare sidaasina ay labada garab kala qaataan Cabsi Xaashi 6 Mahdi Amxaar 7 halka Dowladda ay soo magacaabeyso hal xubin.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tagaya Teendhada Afisiyooni si uu uga qayb galo  Munaasabadda lagu lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka, Warsidaha Diinah.com news fahamsan in arrinta ugu weyn ay tahay sida ay dhinacyada u qeybsanayaan xubnaha guddiyada maamuli doona doorashada kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi.

121250cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Ku Qanciyay Cabdi Xaashi