Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Maclow oo mudo kadib Maanta la aasayo..

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in muddo Todobaad kadib waxaa maanta in lagu aasaya Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maclow Abiikar oo ahaa Macalin Dugsi Waxbarasho, kaasoo lagu dhex dilay todobaad ka hor Iskuulkii uu Macalinka ka ahaa uuna geysan Eedeysane…

Macalinka ayaa loo dilay sababo la xariira inuu canaantay gabar ka mid aheyd Ardaydiisa, waxaana dilkiisa geystay oo ku eedeysan wiil la dhashay Gabadha aradayada aheyd ee uu canaantay Macalinka, kaasoo dilka u adeegsaday Toorey, iyadoo lagu wado Alle ha u naxariistee meydka Macalinka in lagu aaso qabuuro ku yaala Degaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaaciyeen Midowga Dugsiyada gobolka Benaadir.

Waxaa lagu wargelinayaa bahda waxbarashada ee ku sugan Gobolka Banaadir in ay ka soo qaybgalaan jinaasada iyo duugta Rabbi ha u  naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macallow Abiikar. Jinaasada marxuumka ayaa lagula tukan doonaa Isbitaalka Madiina ee degmada Wadajir hadduu Alle idmo maanta Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22/02/2024, saacaddu marka ay tahay 7:30 aroornimo” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Midowga Dugsiyada Gobolka Benaadir.

Meydka marxuumka ayaa sababaha mudada ee loo aasi weysana ahaa in qoyskiisa ay doonayeen iney cadaalad u helaan dilka wiilkooda, lamana oga wali in qoyskaaan ay heleen cadaalad iyo in ay iska aasaanayaan meydka, Ehelada marxuumka iyo bahda Waxbarashada ayaa magaalada Muqdisho ka dhigay banaanbax ay dowladda Federaalka uga dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo Ninkii dilay Marxuumka oo baxsaday.

310290cookie-checkMeydka Marxuum Cabdiraxmaan Maclow oo mudo kadib Maanta la aasayo..