Shirkii Dowladda & Dowladaha Gobolada Oo Baaqday

Somalia news

Waxaa markii 3aad fashilmay shir uu ku baaqay Mr.Farmaajo inay isugu yimaadaan DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, shirkan oo ku muddeysnaa maanta oo 4 bisha March ah ayaa waxaa ka baaqsaday Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in waqti la siiyo shirka Ra’iisul Wasaaraha iyo Musharaxiinta, sidoo kale soo jeediyay in shirka lagu qabto goob ammaan ah oo ka mid ah Garoonka diyaaradaha…

Waa markii 3aad ee Mr.Farmaajo shir uu iclaamiyo uu baaqdo, kaddib wixii ka dambeeyay 8 February, waxaana ay muuqataa mid calaamad su’aal gelineysa awooddiisa dowladnimada, maadaama muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa uu dhamaaday.

Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale uu baaqday shirkii maanta ay u balansanaayeen inuu dhex maro Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin baaqashadiisa. shirka maanta ayaa la filayay in ajandaha looga hadli lahaa uu noqdo arrimaha siyaasadda, maadaama labadii shir ee hore looga hadlay xalinta dhacdadii 19 February iyo bannaan baxii is hor-taagga ee loo adeegsaday awoodda ciidan.

99230cookie-checkShirkii Dowladda & Dowladaha Gobolada Oo Baaqday