Soomaalidu Kuma Baraarugsana Dagaal-Diimeedka & Dhaqanka ku Socda

Somalia news

Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaa ku socda Dagaal-diimeed iyo mid dhaqan doorin ah, iyadoo aysan jirin cid u istaagtay iney ka hadasho, wuxuuna dagaalkaan faro ba’an ku hayaa Caruurta iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa ku nool iyo dibedaba…

Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu dhaqaale ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka, Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqamada diinta Islaamku xaaraantimaysay.

10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbeedka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid.

Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Somalia waa dal ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda. In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin.

231150cookie-checkSoomaalidu Kuma Baraarugsana Dagaal-Diimeedka & Dhaqanka ku Socda