Ethiopia & Eritrea Oo Lagu Eedeeyay Xasuuq Gobolka Tigray Ka Geysteen

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Warbixino welwel xambaarsan oo Warbaahinta Caalamka ay ku Eedeeyeen gabood faalo dhan ka ah Aadanaha Ciidamada Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea oo ay ka geysteen Gobolka Tigray oo ay degan yihiin 6-million oo dad ah, sidaas ay xaqiijiyeen Marqaatiyaal ku nool Gobolka Tigray…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada labada oo Dagaal ku qaaday Gobolka Tigray ayaa la sheegay in xasuuq baabsan ay geysteen degmada Axum, iyadoo Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee UN-ka Mr.Michelle Bachelet uu ugu baaqay Dowladda Ethiopia iney si deg deg ah loo dhiso guddi Caalami ah oo madax banaan oo baara Dembiyada dagaal iyo Xasuuqa ay geysteen Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan labada ay geysteen Kufsi baahsan, dilal, burburin hantida Dadka Rayidka ah, bililiqo baahsan oo Hantida Dadweynaha iyo mida gaarka loo leeyahay, iyadoo la sheegay in Taliska Addis abeba uu ka dhega adeygaayo in magacaabo guddi Caalami ah oo baara gabood falada Ka Dhacay Gobolka Tigray.

99260cookie-checkEthiopia & Eritrea Oo Lagu Eedeeyay Xasuuq Gobolka Tigray Ka Geysteen