Shirkii Hoteel Decale Oo Fashil Ku Soo Dhamaaday

Somalia news

Kulankii u dhaxeeyay Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil-gaarsiinta Iyo Xubno ka socda Midowga Musharixiinta oo dood Dheer oo adag dhex martay, ayaa ugu dambeyntii la sheegay in lagu kala tagay, kadib markii dhinacyadaan ka soo dabci waayeen qodobadii la isku hayay ayna ugu muhiimsaneyd ka qeyb gelida Midowga Musharixiinta Kulanka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada…

Kulankaan oo qaatay wakhti badan oo soo gaaray ilaa 3-dii AM Ee aroornimo, ayaa fashil ku soo dhamaaday iyadoo dhinac walba oo iskiis u qabtay Shir jara’id kuna faahfaahiyay sababta keentay fashilka, iyadoo labada dhinac ay dul istaageen qodobka ah ka qeyb galka shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee wadatashiga Doorashada.

Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur oo u hadlay Midowga Musharixiinta ayaa sheegay “ Dadka Dastuuriyan go’aanka u leh oo aan la fadhinay caawa ayaa muuqatay ineysan iyagu go’aanka laheyn, Farmaajo ayaa fariimo qoraal ah u soo diraayay” ayuu yiri, wuxuuna intaasi raaciyay in wax kasta oo xal uu diiday waana ayaan darro.

Wuxuu intaasi raaciyay in Qodobada laga dooday ay ka mid ahaayeen Arrimaha Siyaasada, Amniga Doorashada iyo dhacdadii 19-kii February iyo in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado, sidoo kale in Go’aanada ay Doorashada ay Dowladda Federaalka ay leedahay bacdamaa Muddo xileedoodu ay dhamaatay.

Dhanka kale Wasiirka Amniga oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirka lagu heshiin waayay, kadib markii ergada Midowga Musharixiinta ay dalbadeen in laga qeyb geliyo madasha wadatashiga Doorashada taasoo uu sheegay in Dowladda aysan laheyn go’aanka, balse ay diyaar u yihiib iney sii wadaan wada hadalada.

99460cookie-checkShirkii Hoteel Decale Oo Fashil Ku Soo Dhamaaday