Fariimaha Madaxweynaha ee Kaga Dhawaaqo Goobaha Cibaadada: Halbeeg Amni Mise Ujeedo Siyaasadeed?

Somalia news

Madaxweynaha oo Waayahaan dambe dhaqanka ka dhigtay in Fariimo-Siyaasadeedkiisa ee Shacbiga iyo Mucaaradka ka soo diro Goobaha Cibaadada ayaa ka hadlay shalay khudbadii Jimcaha kadib, wuxuuna ku dhawaaqay talaabooyin cusub oo laga qaadi doono Mas’uuliyiinta, Ganacsatada & Mucaaradka diida in lagu baaro isbaarooyinka…

Wuxuuna amar ku bixiyay in Mas’uul kasta oo wata gaadiid hubeysan, isla markaana u hoggaansama baaritaannada laga qaadi doono tallaabo, sidoo kale wuxuu farta ku goday hubka iyo Gadiidka Dagaalka culus ee inta badan lagu arko gudaha iyo daafaha magaalada ay yihiin kuwo khatar ku ah Amniga, wuxuu kaloo digniin u diray Ganacsatada soo dejiya Agabyada Amaanka, in lagla wareegi doono wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay “Konteynar Tuute ah ayaa Dekeda ii yaal ee ii soo daay”, Isagoo sheegay in hubkan uu yahay mid istus-tus ah iyo in aan magaalada lagu dhex arki karin farayna Ciidamada amaanka in talaabo laga qaado.

Dhawaaqyadaan ayaa walaac ku abuuray qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Dadka mucaaradsan Siyaasadaha Dhinaca ka raran ee Madaxweynaha uuna ku beegsanayo dadka dhaliila, Xubno la soo xiriiray Warsidaha Diinah.com News ayaa welwel ka muujiyay dhawaaqaan, waxeyna tilmaameen in Xasan Sheekh qudhiisa uu adeegsan jiray Gadiidka dagaalka ee Beeshiisa markii uu mucaaradka ahaa.

250170cookie-checkFariimaha Madaxweynaha ee Kaga Dhawaaqo Goobaha Cibaadada: Halbeeg Amni Mise Ujeedo Siyaasadeed?
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com