Kooxo Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Xabsiga Boosaaso

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar qorsheysan xalay saqdii dhexe lagu qaaday Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan laamaha amaanka….

Saraakiil amni oo kusugan magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyey in koox Maleeshiyaad ah oo aad u hubeysan lana rumeysan yahay iney ka tirsan yihiin Kooxaha argagixisada Shababka ayaa ku guuleystay iney tiro badan oo maxaabiis ah (400) ay ka siidaayeen Xabsiga inkastoo la sheegay in qaarkood (Maxaabiista) laga soo qabtay gudaha Magaalada Boosaaso, waxeyna xabsiga heysteen muddo saacado ah, waxaana ku haray gudaha xabsiga 7-maxbuus kaliyah.

Bilowgii koowaad ayay adeegsadeen qarax-weyn, oo ay kubeegsadeen goobta hubinta Koowaad ee Amniga xabsiga, iyadoo tiro badan oo Maleeshiyaad ah oo aad u abaabulan ay ka qeyb qaateen, jid-gooyooyinka dhigtay Wadada qabata Xabsiga, waxaana duleedka Magaalada Boosaaso looga soo ridaayay Hoobiyayaal, si loo khalkhal geliyo, waxaana u suurto gaahay iney si fudud ku galaan Xabsiga oo ay siidaayaan tiro maxaabiis ah, Iska horimaadkaan ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Taliyaha Xabsiga Magaalada, ayna Ilaalada xabsiga soo gaareen dhimasho iyo dhaawacyo.

Maleeshiyaadka Xabsiga weeraray ayaa la sheegay iney tiradoodu aad u badneyd kuwaasoo dhowr jiho ka galay Xabsiga, sidoo kale Maxaabiista qaarkood ayaa la sheegay iney khalkhal ka dhex bilaabeen gudaha xabsiga intii uu socday weerarka, Ciidamadii Gurmadka ayaa la sheegay in Wadada loo galay oo Gaari laga gubay lagana dilay 4-6Askari, waxeyna ka tirsanaayeen Ciidamada PSF iyo PMPF, Kooxdaan ayaa dib ugu gurtay Xabsiga kadib markii ay ka adeegteen, waxeyna u dhaqaaqeen Dhanka Buurta Gaaco Ee Duleedka Magaalada, dhacdadaan ayaa noqoneysa fashil ku yimid dhinaca amniga Magaalada Boosaaso.

99400cookie-checkKooxo Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Xabsiga Boosaaso