Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Diyaarisay Qorshe ay kula Wareegeyso Hogaanada Hirshabelle & Galmudug..

Somalia news

Kadib markii kooxaha Siyaasada ku shaqeysta ee ka soo jeeda Degaanada Hirshabelle ay ku heshiin waayeen iney Maamul Salbalaaran u dhisaan, ayaa waxaa la sheegaya in Villa Somalia ay si qarsoodi ah u wado iney u qabtaan Doorasho Hogaanka Maamulka Hirshabelle kadib marka uu dhamaado Muddo xileedka Maamulka dhisan xiligaan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Doorashada Madaxweynaha HirShabeelle ayaa lagu wadaa in la qabto bisha November 2024, markaasoo ay ku egtahay afarta sano ee muddo xileedka Madaxweynaha, Maamulka Xasan Gurgurte oo caan ku ah eexda ayaa u wado inuu Wasiirka Shidaalka Xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maamulka HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya Inkastoo uusan jirin heshiis qoran oo Beelaha Degaanadaasi isla meel dhigeen, haddana waxaa aad loo filayaa in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle uu marka xigto ka yimaado beesha Xawaadle, oo ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Qorshaha Xildhibaan Cabdirisaaq looga dhigayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah isku day ay Villa Somalia ku dooneyso Urur-Diimeedka ugu gacan geliyo Hogaamada Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo Galmudugna loo diyaarinaayo inuu Hogaankeeda qabto mid ka mid ah Xubnaha Xisbigiisa ee ka soo jeeda Beesha Habagidir.

266200cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Diyaarisay Qorshe ay kula Wareegeyso Hogaanada Hirshabelle & Galmudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com