Shixnad Talaalka COVID-19 Oo Mogadishu Ku Wajahan

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO ayaa Sheegtay in 12 Dowladood oo Afrikaan ah la gaarsiiyay 11-millions oo talaalka Covid-19 taasoo qeyb ka ah Barnaamijka COVAX ee dalalka faqriga lagu gaarsiinayo talalkaan, si loo yareeyo waxyeelada Cudurka caabuqa ee faafa…

Dalalkaan la gaarsiiyey ayaa waxaa ka mid ah Ethiopia, Kenya, Rwanda iyo dalal kale, iyadoo Dowladda India oo talaalkaan soo saartay ay sheegtay in Somalia ay u soo dirtay shixnad talaalka Coronovirus ah oo saacadaha soo socda soo gaari doonta Caasimadda Mogadishu.

Waxaa talaalkan oo lagu magacaabo Covaxin  soo saartay shirkadda Bharat Biotech, wuxuuna wax ku ool yahay 81%, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay dhowaan in malaayiin talaalka COVID-19  ah uu ku soo wajahan yahay Dalka.

Khabiir Prof.Kabire ayaa sheegay in Talaalka la sheegay in Dalka la keenaayo uusan soo dhaafi doonin Madaxtooyada Villa Somalia, sidii ay u dhacday in Mashiinada Neefsiga (Ventilators) oo deeqda lagu keenay Guryaha Mas’uuliyiinta Dowladda ay dhigteen, iyadoo Shacbiga Soomaaliyeed lagu qasbay iney soo gataan.

99860cookie-checkShixnad Talaalka COVID-19 Oo Mogadishu Ku Wajahan