Ciidamo Caburin Doorasho Oo Magaalada B/Weyne Laga Dejiyay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo isku dhaf ah (Haramcad iyo Gorgor) ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, Ciidamadaan ayaa la sheegay iney qaaday laba diyaarad oo kuwa kirada ah….

Illo xog ogaal ah ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijiyay in Ciidamadaan ka soo dagay ay tiro ahaan gaarayaan 100-Askari kuwaasi oo aad u hubeysan, Labada diyaarad ee haatan soo gaaray garoonka Ugaas Khaliif ayaa midiiba siday 50 Askari walina waxay ku sugan yihiin gudaha garoonka Ugaas Khaliif lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa imaasha ciidankan iyo u jeedkooda.

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacaya warqabadka Diinah.com ayaa sheegaya in ciidamadan ujeedkoodu yahay sugida amaanka Doorashooyinka halka dhinac oo ka dhaci doona maalmaha soo socda deegaanka Ceeljaalle, Ciidamadaan ayaa horey magaalada Beydhabo, Dhuusa mareeb iyo Jowhar ka fuliyay rabitaanka Maamulka Fashilay ee Farmaajo.

Dhinaca kale imaashaha ciidankan ee Baledweyne ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu gaaray magaalada Muqdisho madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo horay loogu diiday inuu yimaado magaalada Baledweyne lamana oga ciidankan ujeedkoodu yahay gogol xaarka imaashaha Cali Guudlaawe ee Baledweyne.

85500cookie-checkCiidamo Caburin Doorasho Oo Magaalada B/Weyne Laga Dejiyay